Si aad u sameysid: Ka diiwaangeli dhalashada cunuggaaga ka hor intaanay 60 maalmood jirsan! (Register your child's birth within 60 days - Somali)

Information in Somali about registering a birth within 60 days.

Kangaroo and joey cartoon

Waa online waana lacag la'aan! Isbitaalku sidaas kuuma samaynayo adiga.

Waxaad u baahan tahay inaad diiwaangeliso dhalashada si aad u hesho shahaadada dhalashada.

Shahaadada dhalashadu waxay adiga iyo ilmahaaga ka caawisaa inay helaan adeegyada muhiimka ah:

  • adeegyada dowladda iyo lacag-bixinta
  • dugsiga
  • akoonka bangiga
  • baasaboor
  • laysanka darawalka iyo lambarka faylka canshuurta.

Waxaad heli kartaa shahaadada dhalashada markaad diiwaangaliso ama kadib. Khidmado ayaa laga qaadaa shahaadooyinka dhalashada.

Foomka diiwaangelinta ee online-ka ah wuxuu ku qoran yahay Ingiriisi wuxuuna leeyahay dhowr tallaabo:

  1. Mid ka mid ah waalidiinta ayaa booqda www.bdm.vic.gov.au/baby(opens in a new window) 1. wuxuuna akoonka ka diiwaangeliyaa BDM.
    Nasteexo! Xusuuso inaad ku darto calaamadda '+' bilowga bilawga taleefankaaga moobaylka markaad soo galayso iyo sidoo kale koodhka waddanka (+61 ee Australia). Tusaale ahaan +61430000000.
  2. Buuxi qaybta hore ee foomka. Waxaa lagu weydiin doonaa faahfaahinta ku saabsan cunuggaaga, adiga iyo waalidka kale.
  3. Markaa kadib waxaan u diri doonaa waalidka labaad si loo weydiiyo inay buuxiyaan qaybtooda foomka online-ka ah.
    Muhiim ah. Haddii aad qabto wax dareeno ammaan ah (tusaale ahaan, wax la xiriira rabshadaha qoyska), u soo gudbi diiwaangelinta dhalashada oo ay la jirto cadeynta sharciyeed (oo online laga heli karo) adigoo sharaxaya sababta waalidka kale uusan uga qayb qaadanayn.
    BDM waxay u baahan doontaa inay la xiriirto waalidka kale. Haddii aad keento caddayn ku saabsan hanjabaad ama rabshad, uma gudbin doono wax faahfaahin xiriir ah waalidka kale adigoo ogolaansho qoraal ah keena mooyee.
    Haddii aad u baahan tahay talooyin ama caawimaad dheeraad ah waxaad sidoo kale waci kartaa 1300 369 367.
  4. Waalidka labaad wuxuu riixayaa xiriirka aan usoo dirnay iyagoo ku soo buuxinaya faahfaahintooda online. Tani waxay soo afjaraysaa diiwaangelinta.
  5. Labada waalid waxay dalban karaan shahaadada dhalashada markay buuxiyaan qaybtooda habkaas.

Adeegyada BDM

Waxaan diiwaangelinaa faahfaahinta dhacdooyinka nolosha ee Victoria. Waxaan sidoo kale bixinnaa shahaadooyinka dhacdooyinkaas.

Nagala hadal annaga wax ku saabsan

  • diiwaangelinta dhalashada cunugga iyo shahaadooyinka dhalashada
  • shahaadooyinka dhimashada
  • shahaadooyinka guurka
  • diiwaangelinta xiriirka iyo shahaadooyinka xiriirka
  • Ku guursashada Victorian Marriage Registry
  • beddelida magaca
  • xaqiijinta galmada.

Macluumaad dheeraadka ah iyo taageerada

Talooyinka ku qoran luqaddaada

Si aad ugula hadasho BDM luqadaada, ka wac Adeegga Fasiraadda iyo Turjumaadda 13 14 50. Weydii inay kula xiriiriyaan the Registry of Births, Deaths and Marriages Victoria taleefanka 1300 369 367.

Naga soo wac

1300 369 367 8am - 4pm Isniinta ilaa Jimcaha (marka laga reebo maalmaha fasaxa dadweynaha)

Website-ka BDM

Ka eeg www.bdm.vic.gov.au waxaad doorataa ‘Contact Us’ si aad u samayso wax-weydiin.

Xaruumaha Adeegga Caddaaladda

Xaruumaha Adeegga Caddaaladu waxay ku bixiyaan adeegyada BDM Victoria oo dhan. ka eeg wixii faahfaahin dheeraad ah www.justice.vic.gov.au/service-locations(opens in a new window)

Updated